Waxaa maanta degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo lagu qabtay munaasabad lagu soo xirayay isla markaana ay ku qalin badalanayeen ardayda fasalka aasaasiga ah ama nursery ee dugsiga hoose dhexe iyo sare ee IQRA.
Xafladda waxaa kasoo qayb galay isku duwaha wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee maamulka jubbaland farxaan afeey muxumed,macalimiin,aqoonyahano,waalidiin iyo marti kale.
Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah waxyaabihii ardayda ay dugsiga hoose ka barteen.
Ugu dambayn waalidiinta iyo marti sharafta kasoo qayb gashay xafladda ayaa bogaadiyay hanaanka waxbarista ardayda ee dugsiga hoose dhexe iyo sare ee iqra.