Waxaa maanta madarasada imaamu bukhaari ee xifdinta qur,aanka kariimka ee degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen arday baratay qur,aanka kariimka.
Munaasabada oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay culumo awdiin,odoyaal,arday,waalidiin iyo marti Sharaf kale.
Ardayda ayaana soo bandhigay qaar kamid ah waxyaabihii ay madarasada ku barteen.
Ugu dambayn waalidiinta iyo martida kasoo qayb gashay munaasabada ayaa bogaadiyay habka waxbarashada ee madarasada imaamu bukhaari ee xifdinta qur,aanka kariimka ee qawlkii eebbe.