Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa galabta la kulmay saraakiil ka socotay hay,adaha kala ah world vision,IOM,trocaire iyo NRC.
Waxaa kulanka looga hadlay gurmad u fidinta qoysaska ka barakacay dagaalada ka dhacay dhacay degmadda luuq ee Gobolka Gedo iyo sidii loo soo gaarsiin lahaa deeqaha ay bixiyaan hay,adaha.
Madaxwayne kuxigeenka ayaa xusay in baaxada dhibaatada dadka soo gaartay ay ka xoog badan tahay awoodaha maxaliga ah waxaana uu ugu baaqay hay,adaha kale in ay doorkooda ka qaataan gurmadka iyo samatabixinta.
Sidoo kale waxaa kulanka warbixin looga dhagaystay maamulka degmadda luuq,deeqaha loogu tala galay bulshada dhibaatada kasoo gaartay colaada.
Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa xildhibaano,wasiir kuxigeen,maamulka degmadda luuq iyo saraakiisha gargaarka ee Gobolka Gedo.