Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan iyo wafti uu hogaaminayo oo maalinimadii shalay gaaray degmadda luuq ee Gobolka Gedo ayaa maanta shirar hordhac u ah nabad beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay la qaateen odoyaasha dhaqanka,waxgaradka,nabadoonada iyo qaybaha kale ee ururada bulshada degmada luuq.
Waftiga oo ay qaby ka yihiin wasiiru dowlaha wasaarada deegaanka iyo isbedelka cimilada dowladda federaalka soomaaliya axmed cumar maxamed,wasiirn ku xigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha DFS cismaan libaan,xildhibaano ka kala tirsan golaha shacabka iyo golaha wakiilada maamulka jubbaland,taliyaha nabad sugida gobolka gedo Gen Jamaal xasan sareey ayaa kulanka looga hadlayay sidii nabadayn waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay.
Shirkan ayaa hor dhac u ah sidii loogu soo celin lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada kunool degmada luuq ayaa waxaa la,isla afgartay in laga wada shaqeeyo nabadda islamarkaana laga sii anba qaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha dagaalka dhexmaray.