Madaxa arimaha bulshada degmadda doolow ee Gobolka Gedo cabdifitaax ismaaciil xuseen iyo wasaarada beeraha iyo waraabka maamulka jubbaland ayaa maanta waxaa ay kormeer kusoo mareen beero looga faa,iideenaayo qoysaska barakacyaasha ah ee ku dhaqan duleedka degmadaasi.
Mashruucaan oo ay fulinayaan hay,adaha WFP iyo WORLD VISION ayaa loogu tala galay in ay ka faa,iideestaan bulshada.
C/fitaax ismaaciil ayaa bogaadiyay dedaalka ay sameeyeen hay,adaha iyo muwaadiniinta kale ee tacabka badan galiyay inay hirgeliyaan beero si dadla iyo deegaankaba uga faa,iidaystaan.
Maamulka waxaa kormeerka ku wehlinayay masuuliyiin kasocday hay,adaha wfp iyo world vision,wasaarada beeraha jubbaland iyo gudoomiyaha xerada barakaca Kabaaso.