Madaxwayne ku xigeenka labaad ee maamulka jubbaland cabdiqaadir xaaji maxamuud(luga dheere) oo uu wehliyo maareeyaha dekeda kismaayo axmed xaaji aadan guuleed ayaa maanta xariga ka jaray kambaniga somlink iyo markabkooda zehra1 oo ah Markab qaada kunteenarada badeecadaha kala duwan lagu soo qaado kaas oo hadda wixii ka danbeeya dekedda kismaayo ka shaqo bilaabaya.
Munaasabada daahfurka bilaabida howlaha shaqo ee somlink iyo markabka zehra 1 waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee shaqalaaga dekeda kismaayo iyo xubno ka socday ganacsatada deegaanada jubbaland gaar ahaan degmadda kismaayo.
Madaxwayne kuxigeenka labaad ee maamulka jubbaland c/qaadir xaaji maxamuud oo ka hadlayay munaasabada xariga looga jarayay kambaniga somlink iyo markabka zehra1 oo ay leeyihiin ayaa sheegay in ganacsiga jubbaland uu yahay mid xor ah,maamulkana ay soo dhawaynayaan horumarinta adeegyada ganacsi ee ka socda dekeda kismaayo.