Maamulka degmadda doolow ee Gobolka Gedo ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaan anfac xaashi goodir oo kamid ah xildhibaanada OSLO ee dalkaasi norwey,xildhibaan BJFS duniyo yuusuf,xildhibaan saneey gacameey madaxeey oo katirsan maamulka jubbaland kuwaas oo shalay galab gaaray degmadaas.
Gudoomiyaha degmadda doolow ee gobolka gedo maxamed xuseen cabdi lafeey iyo xubnaha kale ee maamulkiisa ayaa xildhibaanada warbixin ka siiyay xaalada amni ee degmadda,hormarada mashaariiceed ee dadka deegaanka ay hirgeliyeen iyo kuwa hadda socda ee u baahan in qurbojoogta,ganacsatada iyo dhamaan bulshada kale in ay ka qayb qataan iyo barakacyaasha tirada badan ee kunool 5-ta kaam oo u baahan in la caawiyo.
Xildhibaanada anfax xaashi goodir ayaa bogaadisay wax wadaqabsiga bulshadda reer doolow,kaalin muhiim ah ay ka qaadan doonto dhismaha isbitaalka way nee doolow,wixii macluumaat ee quseeya ay ula noqon doonto oslo norwey isla markaana ay rajaynaynso in kaalin aad u wayn laga qaadan doono,aadna ay ugu faraxsantahay nabada iyo amniga ka jira magaaladda taasi oo ay kawada shaqeeyeen maamulka,ciidamada amaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.