Maamulka iyo laamaha amniga ee degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa bulshada ku nool degmadaas uga digay in ay gubaan dhirta,isla markaana ay ka ganacsadaan dhuxusha.
Waxaa gudaha degmadaas lagu soo bandhigay ku dhawaad 60 loor oo dhuxul ah kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo laamaha amniga ee degmadaas.