Kulan maanta ka dhacay xarunta maamulka degmada baardheere ee gobolka gedo oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha degmadda maxamed yuusuf qorax ayaa waxaa goob joog ahaa taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ciidamada dhulka XDS gaashaanle sare cismaan cabdi qorax,waxaana kasoo qayb galay ganacsatada degmadda baardheere.
Waxaa kulanka looga hadlay sidii looga qayb qaadan lahaa dib u dhiska buundada ku burburtay fatahaadii dhawaan ka dhacday degmada waxaana la iska xog waraystay dedaalada socda iyo doorka ganacsatada ku yeelan karaan dib u dhiska buundada.
Gudoomiye qorax ayaa ganacsatada la wadaagay halka ay marayaan hawlaha lagu doonayo in dib u dhis lagu sameeyo buundada waxaana uu ganacsatada uu ku amaanay doorkooda maadaama hakad uu kujiro ganacsigii xooganaa ee degmadda la wadaagaysay deegaanada kale ee gobolka iyo wadamada deriska ah.
Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa ganacsatada ka codsaday sii xoojinta qorshayaasha socda ee buundada kusaabsan.