Maamulka degmadda beledxaawo ee gobolka gedo oo uu hogaaminayo gudoomiyaha degmadda cabdicasiis xareed cabdulaahi iyo laamaha amniga ee degmadda ayaa maanta canug yar oo 5 sano jir ah oo lasocday darawalka gudoomiyaha mandera ee shalay ay dileen kooxda alshabaab kaas oo tan iyo shalay la waysanaa waxaa ay ku wareejiyeen eheladiisa iyo maamulka mandera oo wada socda.
Gaarigaan ayaa waxaa magaalada mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya ka afduubtay maleeshiyada kooxda alshabaan waxaana canuga yar ay ku dajiyeen meel cidlo ah.
Wiilkaan yar ayaa qoyskiisa dib ula midoobi doono kadib saacado badan oo uu ka maqnaa.