Kulan looga hadlaayay amniga degmadda baardheere ee gobolka gedo iyo deegaanada hoosyimaada ayaa maanta degmadaas ka dhacay.
Waxaa kulanka shir gudoominayay taliyaha guutada tobnaad qaybta afartan iyo seddexaad ee ciidamada xooga gaashaanle sare cisman cabdi qorax,waxaa ka qayb galay gudoomiyaha degmadda baardheere maxamedwali cabdulaahi yuusuf,taliyaha ururka afartan iyo sagaalaad guutada tobnaad cali cisman cali,taliyaha saldhiga booliska baardheere c/xakiin warsame aadan iyo saraakiil kale.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa lagu gorfeeyay xaalada amni ee gobolka si gaar ah degmadda baardheere iyo deegaanada ku xeeran.
Waxaa sidoo kale looga hadlay dhismaha buundada degmada baardheere oo marin muhiim ah u ahayd isku socodka bulshada guud ahaan gobolka iyo dalalka deriska la ah soomaaliya taasi oo ay gooyeen duufaantii elnino.