Agaasimaha guud ee wasaarada howlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta maamulka jubbaland cabdishukri carab ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyay hanaanka shaqo ee dhismaha wadooyinka ka socda degmadda beled-xaawo ee Gobolka Gedo.
Kormeerka agaasimaha ayaa ujeedkiisu ahaa in la dardargeliyo dhismaha wadooyin laami ah ee laga hirgelinaya degmadda b/xaawo iyo sidoo kale in la ilaaliyo tayada dhismaha iyo badqabka bulshada.
Agaasimaha ayaa kula dardaarmay injineerada iyo shirkada gacanta ku haysa dhismaha wadooyinka in ay si degdeg ah u gabagabeeyaan shaqada si isku socodka gaadiidka,ganacsiga iyo dadwaynaha loo fududeeyo.