Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubbaland ayaa degmadda ceelwaaq ee Gobolka Gedo kasameeyay howlgal lagu xaqiijinayay amniga degmadaas.
Howlgalkan oo laga fuliyay xaafadaha degmadaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay hub ka kooban dhowr nooc iyo rasaas tiro badan.
Arintaan kadib markii laamaha amniga ee degmadaas ay heleen xog sheegaysa in degmadda lasoo geliyay qaraxyo,waxaana baaritaan lagu sameeyay hubkii lagu soo qabtay howlgalka waxaana yeeshay shaqsiyaadka hubka ka ganacsada ee loo yaqaano cirtoogte,si nabad ah ayaa loogu wareejiyay hubka maadama la mariyay baaris dheer.