Maamulka degmadda doolow iyo hay,adda UNHCR ayaa xariga ka jaray 70 guri oo loo dhisay dadka barakacyaasha ah ee kunool xerada kaxareey ee degmadda doolow ee gobolka gedo.
Munaasabad xariga looga jarayay ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow aadan bare cali,madaxa mashaariicda iyo xeriirka hay,adaha,isu duwaha wasaarada howlaha guuleed ee jubbaland ee degmadda doolow iyo hay,adaha UNHCR iyo IOM.
Maamulka degmadda doolow iyo masuuliyiinta ka socotay hay,adaha UNHCR,IOM,AVORD iyo ka faa,iidaystayaasha mashruucaan ayaa goob joog ka ahaa munaasabada lagu wareejinayay guryahaan cusub ee loo dhisay.