Hay,adda maaraynta musiibooyinka qaranka ee SODMA oo kaashanayso wasaarada gargaarka maamulka jubaland ayaa saaka degmada doolow ee Gobolka Gedo gaarsiiyay shixnado ka kooban teendhooyin,alaabta maacuunta ,bustayaal iyo agabyo kale oo muhiim ah kuwaas oo looga faa,iideeyay boqolaal qoys oo danyar ah.
Qoysas tiradooda tahay 300 kuwaas oo kunool afar kaam oo kuyaala gudaha degmada doolow ayaa deeqdan ka faa,iidaystay iyaga oo u mahadceliyay wasaarada gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka jubaland oo fududaynta howshan kaalin wayn ka qaadatay iyo hay,ada SoDMA.
Degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa kamid ah goobaha cabsida laga qabo in roobabka guga daadad iyo fatahaado ka dhasha ay saamayn ku yeeshaan bulashada kunool oo in badan oo kamid ah ay horay saamayn ugu yeelatay fatahaadii elnino.