Hay,adda coopi oo ka qayb ah dalada mashruuca SOMREP ayaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo ku qabatay tababar wacyigelin ah oo ku saabsanaa caymiska xoolaha oo ka socdo toddobo tuulo oo hoos yimaada degmada doolow.
Mashruucaan oo xoolo dhaqatada beeralayd ah kaga faa,iidaysanayaan in lagu xiro bangiyada islaamiga kuna kaydsan karaan lacagahooda xiliyada abaaraha adag ay dhacaan ugula baxaan si ay wax ugu qabsadaan taasi oo bulashada ka caawinayso in ay iyaga isku tiirsanadaan xiliyada adag ee soo mara.
Waxaa tababarkaan inta uu socday ka qayb galay gudoomiye kuxigeenka ahna madaxa amniga iyo siyaasada degmada doolow aadan bare cali,madaxa arimaha bulashada cabdifitaax ismaaciil xuseen,isku duwaha wasaarada xanaanada xoolaha degmada doolow shiiraar cadoow,ururada haweenka,dhalinyarada iyo qaar kamid ah bulashada mashruucaan ka faa,iidaysanaysa oo laga soo kala xulay tuulooyinka.