Wararka inaga soo gaaraya degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu gubay degmadaas haweenay kamid ahayd dadka deegaanka.
Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in haweenaydaan ay gubtay dumaashideed oo uu qabay walaalkeed iyada la dhashay.
Haweenaydaan lagubay ayaa lagu magacaabaa faadumo macalin yuusuf,dumaashideed ayaa ku shubtay biyo kulul oo kujiray dheri waxaana hada lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalo magaalada mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya oo deris la,ah degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Haweenayda falkan gaystay ayaa lagu magacaabaa shaakiro saalax iyada iyo ninka qabo oo layiraahdo maxamuud macalin yuusuf ayaa isaga baxsaday degmadda b/xaawo.
Sawirka haweenayda iyo ninka fal dambiyeedka gaystay
Sawirka haweenayda la gubay