Gudoomiyaha degmadda doolow maxamed xuseen cabdi (lafeey) iyo gudoomiyaha degmada beledxaawo c/siis xareed c/laahi ayaa maanta shir la qaatay saraakiisha hay,adaha gargaarka ah ee ka howl gala gobolka gedo.
Waxaa shirka looga hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha gar-gaarka ee labadda degmo waxaana la,isku afgartay in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha jira,shirka ayaana kusoo dhamaaday guul.