Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee degmadda doolow ee gobolka gedo aadan bare cali,madaxa mashaariicda iyo xeriirka hay,adaha ee degmadaas, cabdiqani xasan uumiye iyo isu duwaha wasaarada xanaanada xoolaha maamulka jubbaland ee degmadda doolow shiiraar cadoow ayaa maanta daahfuray tababar kusaabsan maaraynta dhul daaqsimeedyada toddobo tuul taas oo ay hay,adda COOPI ka wado mashruuca SOMREP.
Tababarka ayaa soconya seddex maalin waxaana loo qabtay gudiyada ka hirtaga musiibooyinka dabiiciga,gudiga xalinta qilaafaadka iyo gudiga horumarinta oo ay leeyihiin toddobada tuulo iyo qaybaha kale ee ururada bulshadda.
Sidoo kale gudiyada kala duwan ee tuulooyinka iyo bulshada ayaa tababarka ku qaatay ka hortaga xaalufinta dhirta iyo daakha,xalinta qilaafyada ka dhex dhaca bulshada dhexdeeda iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.