Gudoomiye ku xigeenka ahna madaxa amniga iyo siyaasada ee degmadda doolow ee Gobolka gedo aadan bare cali ayaa maanta kormeer ku tagay iskuulada waxbarshada ee xerooyinka barakacyaasha qansaxleey,kaxareey iyo deegaanka beer itir.
Gudoomiyaha oo u kuur galayay sida ay usocoto waxbarashada dugsiga hoose dhexe qansaxleey iyo dugsiga hoose beer itit iyo kaxareey ayaa maamulayaasha,macalimiinta,gudiyada waxbarashada waxay uga warbixiyeen dhamaan tirade ardayda dhigata iskuuladan,macalimiinta soo xaadira ee waxbarashada bixiya,waxayna codsadeen in loo kordhiyo mushaaraadka,ardayda laga caawiyo dharka iyo agabka kale ee waxbarasho maadaama waalidiinta intooda badan ay yihiin barakacyaal.