Madaxa siyaasada iyo amniga ahna gudoomiye ku xigeenka degmadda doolow ee Gobolka gedo aadan bare cali ayaa maanta howlo kormeer ku tagay khaar kamid ah xerooyinka barakacyaasha ee degmadda doolow kuwaas oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan.
Gudiga kaamka ayaa gudomiyaha waxay uga warbixiyeen xaalada kajirto kaamka waxayna sheegeen in cunto iyo biyo yari kajirto xerada ayna yaraadeen taageerada gargaar ee ay ka heli jireen hay,adaha ka howlgala degmadda doolow.
Dadkan ayaa isugu jiro kuwo tacban jiray beeraha oo dalagyadooda baa,biyeen fatahaadii ka dhacday degmadda iyo kuwa beer duurka dalagyo ku beeri jiray xili roobaadka kuwaas oo waqtigii gooshada inta ay waayay biyo ku filan.