Wasiirka wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka maamulka jubbaland cadar ismaaciil cabdulaahi oo ay wehlinayaan xubno katirsan golaha wakiilada jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda kismaayo kusoo dhaweeyay wafti ka kooban haweenka labbada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyada federaalka soomaaliyaoo ay hogaaminaysay gudoomiyaha gudiga golaha aqalka sare sareedo maxamed xasan (jayte).
Xildhibaanada maanta lagu soo dhaweeyay magaaladda kismaayo ayaa ujeedka ay u tageen kismaayo ay tahay in haweenka reer jubbaland ay u sameeyaan wacyi gelin la xeriirta arimaha ka qayb galka ee siyaasada,horumarinta arimaha bulshada iyo xoojinta wadashaqaynta haweenka iyo xildhibaanada dumarka ah ee ka tirsam baarlamaanka soomaaliya labadiisa aqal.