Gudoomiyaha gobolka gedo cabdulaahi cabdi jaamac (c/laahi shimbir) oo ay wehlinayaan kuxigeenkiisa shiiq maxamed xuseen al-qaadi iyo gudoomiyaha maamulka degmadda baardheere ee gobolka gedo ayaa maanta kormeeray isbitaalka guud ee degmadda baardheere.
Waftiga gudoomiyaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay isbitaalka isku duwaha wasaarada caafimaadka ee degmadda baardheere maxamed aadan dhaqan, waxayna u kuur gelayeen xaalada caafimaad ee degmadda iyo baahiyaha kajira isbitaalka degmadda.
Masuuliyiinta ayaa kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay isbitaalka iyaga oo qiimayn guud ku sameeyay adeegyada isbitaalka loogu qabto bulshada ku dhaqan degmadda baardheere iyo deegaanada hoos yimaada.
Gudoomiye cabdulaahi shimbir ayaa agaasinka iyo shaqaalaha isbitaalka ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socoto isbitaalka waxaa uuna ku dhiiro-geliyay sare u qaadida tayada adeegyada la gaarsiiyo bulashada ku dhaqan baardheere.