Gudoomiyaha degmada doolow ee Gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa saraakiil ka socotay hay,adda wfp waxaana uu kala hadlay arimo ay kamid yihiin hirgeinta mashaariic horumarineed iyo barnaamijka xalka waara ee barakacyaasha.
Gudoomiye lafeey ayaa madaxda hay,ada ka dhagaystay howlaha waxqabad ee degmadda iyo xeryaha barakacyaasha oo ay kujiraan qoysas kasoo barakacay fatahaadaha iyo deegaanada aan amaanka ahayn ee dalka.
Lafeey ayaa bogaadiyay shaqada ay hay,adda wfp ka qabatay degmadda doolow,waxaana uu ka codsaday inay sii balaariyaan howlaha waxqabad iyo mashaariicda muhiimka ah.