Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi ayaa maanta lakulmay guddiga gurmad ee degmadda kaas oo ka kooban culamadda iyo ganacsatada magaaladda.
Lafeey ayaa uga mahadceliyay sidoo Kalena bogaadiyay gudiga shaqadda ay u hayaan bulshadda deegaanka.
Dhanka kale gudiga ayaa soo bandhigay xogaha la xeriira fatahaadaha webiyada iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaan deegaanka.
Waxaa sidoo kale kulankaan ka qayb galay madaxa arimaha bulshadda degmadda doolow c/fitaax ismaaciil xuseen iyo maareeyaha garoonka diyaaradaha degmadda doolow diiriye gaarane xasan.