Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa maanta shir gudoomiyay shir todobaadle ah kaas oo looga hadlay arimaha amaanka ee xaafadaha iyo barakacyaasha degmadda doolow.
Shirka ayaa diirada lagu saaray derder gelinta sugida amniga xaafadaha iyo xoojinta wadashaqaynta xafiiska maamulka iyo amniga.
Gudoomiye lafeey ayaa faray gudiga barakacyaasha iyo xaafadaha in ay adkeeyaan amniga xaafadaha ay masuulka ka yihiin,qof walibana lagala xisaabtami doono amniga xaafadiisa iyo ka warqabka dadka kunool xaafadiisa.
Ugu danbayn waxaa shirka soo xiray taliye ku xigeenka ciidamada daraawiishta jubbaland Cali xasan deer (cali abshir).