Gudoomiyaha degmadda ee gobolka gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa maanta waxaa uu shir balaaran la qaatay waxgaradka kunool deegaanada baa tee ku teedsan jiinka webiga jubba.
Shirka ayaa diirada lagu saaray ahmiyada ay leedahay nabadda ka jirta deegaanada baay ee hoos yimaada degmadda doolow.
Waxgaradka ayaa dhankooda uga warbixiyay xaalada nabad gelyada ee deegaanadaasi iyo sida ay qayb muhiim ah uga qaataan isla markaana ay jiraan baahiya gaar ah oo ay qabaan bulshada si wax looga qabto maadaama ay lahayn buundo looga gudbo dadkaasi doomaha la isticmaalo ay go,an tahay xiliyada fatahaadaha ay dhacaan ayna adag tahay in meelaha qaarkooda la gaaro waqti kooban.
Gudoomiye lafeey ayaa waxgaradka uga mahad celiyay sida ay uga qayb qaateen xalinta tabashooyinka bulshada dhexdeeda ah,bahiyaha gaarka ah ee deegaanka ka jirana wax laga qabanayo si wadajir ah looga shaqeeyo hormarka bulshada.
Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa fariin u diray cid waliba oo la macaamisha maleshiyada kooxda al shabaab waxaana uu sheegay in talaabo sharci ah laga qaadayo.