Gudoomiyaha degmadda doolow ee gobolka gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa maanta waxaa uu kulan laqaatay odoyaasha dhaqanka,waxgaradka,nabadoonada iyo culimada deegaanka waxaana uu kala hadlay adkaynta amniga iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada kooxda al shabaab.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaalada deegaanka iyo adkaynta xaduudaha amnigooda in lagala shaqeeyo maamulka degmadda.
Gudoomiye ayaa odoyaasha u sheegay in dadka deegaanka ay dani ugu jirto inay ilaashadaam xasiloonidooda deegaankana ay horumar u horseedi doonto.