Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo c/siis xareed c/laahi ayaa galabta ka qayb galay xaflad qalin jabinta dufcadii 14 aad ee machadka barashada farsamada gacanta ee SAMTEC ee degmadda beledxaawo ee gobolka gedo.
Munaasabada oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayna ku qalin jabinayeen 573 arday kuwaas oo ka qalin jabinayay qaybaha kala duwan ee lagu barto machadka samtec sida farsamada gacanta,caafimaadka,saxaafada,kumbiitarka iyo culuum kale ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno kamid ah maamulka degmadda,masuuliyiinta wasaarada waxbarashada ee degmadda,ururada buslahada qaybahooda kala duwan iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumay xaflada.
ugu dambayn gudoomiyaha degmadda ayaa ku dhiirogeliyay machadka SAMTEC in tiro intaan ka badan ay ka qakin jabiyaan mar walbo,waxaana uu intaasi ku tilmaamay guul usoo hooyatay shacabka degmadda b/xaawo iyo guud ahaan bulshada jubbaland.