Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ay wehlinayeen xubno kamid ah maamulkiisa degmadda iyo isku duwaha wasaarada qorshaynta ee degmadda ayaa maanta waxaa ay kulan la qaateen injineerada dhisaayo wadada laamiga ah ee degmadda iyo xubno kamid ah gudiga xalinta qilaafaadka.
Kulanka ayaa looga hadlay halka ay marayso dhismaha wadada,injineerada iyo gudiga ayaana maamulka kaga warbixiyay sida ay usocoto shaqada islamarkaana ay maamulka ku amaaneen garab istaaga ay mar waliba garab taagan yihiin.
Dhismaha wadada laamiga ah ee laga dhisaayo degmadda beledxaawo ayaa meel fiican marayso waxaana la rajaynayaa in dhowaan ay soo gebgebowdo.