Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta kulan la qaatay hay,adaha kala ah Hacof,Women for peace-Belethawa iyo AFeop kuwaas oo mashruuc loogu magac daray daris wanaag ka fulin doono degmadaasi.
Mashruuca daris wanaaga ayaa ka shaqeeyo seddex wadan (Kenya,Somalia iyo Ethiopia) waxaana kulanka qayb ka ahaa gudoomiye kuxigeenka degmadda cabdifitaax nuur mataan iyo xubno kamid ah maamulka degmadda.