Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka jubbaland kaga qayb gakay shir aqoon kororsi ah oo loo qabtay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka b/xaawo,buurdhuubo,dhoobleey,afmadoow iyo wakiiladda wasaarada maaliyada ee qaar kamid ah degmooyinkaasi.
Wasiirka wasaaradda maaliyada iyo horumarinta maamulka jubbaland axmed cabdirisaaq maxamed handal oo uu wehlinayo wasiirka arimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta maamulka jubbaland maxamed ibraahim oogle ayaa daahfuray kulanka.
Kulankaan aqoon kororsiga ah ayaa diirada lagu saaray barashada hababka kala duwan ee maaraynta maaliyada si hufan,taasoo qayb ka ah qorshaha lagu midaynaayo daqliga maamulkaas oo ay wasaaradu wado.
Sidoo kale waxaa kulanka qayb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada maamulka jubbaland,xisaabiyaha guud ee maamulka jubbaland,gudoomiyeyaasha degmooyinka,qaar katirsan wakiilada maaliyada ee Gobolka Gedo iyo masuuliyiin kale oo katirsan maaliyada maamulka jubbaland.