Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo c/siis xareed c/laahi oo uu wehlinayo madaxa arimha bulshada ee degmada nuur cadaawe baadow ayaa maanta dhiiri gelin u sameeyay in kabadan 500 arday oo qaadanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8 aad ee wasaarada waxbarashada dowladda jubbaland.
Ardaydaan oo ka kala timid 19 iskuul kuwaas oo ku yaala degmadda beledxaawo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa uu gudoomiyaha kula dardaarmay inay ilaaliyaan qaanuunka imtixaanka,waxaana uu ku dhiiro geliyay in ay kaalmo muuqda ka galaan imtixaanka kaasi oo sida qorsha yahay lagu wado in uu bilaabmo maalinta sabtida ee berito.