Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo uu wehlinayo injineerka shirkada dhisayso wadada laamiga ah,masuuliyiin kasocotay shirkadaha korantada,hormuud iyo xubno kamid ah gudigga xalinta khilaafaadka wadada ayaa waxaa ay maanta kormeer guud ku sameeyeen aargadda degmadda oo dhowaan dib u habayn lagu samayn doono.
Aargadda ayaa marka dib u habayn lagu sameeyo waxaa ay qayb ka qaadan doontaa bilicda wadada laamiga ah ee gebagebada kusii dhow.