Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi iyo xubno kamid ah maamulka degmadda iyo golaha guurtida degmadaas ayaa kulan la yeeshay shaqaalaha caafimaadka isbitaalka degmadda ee Khaliil.
Kulanka ayaa looga hadlay si loo dhameeyo xalna looga gaar qaar kamid ah shaqalaaha caafimaadka oo dhawaan hay,adda trocaire sheegtay in ay dhimayso maadama uu dhamaaday waqtigii shaqo ee lagu heshiiyay contract isla markaana la fasaxayo.
Kadib buuq badan oo ka dhashay arintaasi ayaa gudoomiyaha iyo golaha guurtida waxaa ay masuuliyiinta ugu saraysa hay,adda trocaire la tashiyo kala sameeyeen dhimista shaqaalaha caafimaadka farahana laga qaado si shaqadooda ay usii wataan.
Maamulka degmadda beled-xaawo ayaa muhiimada saaraya in aan la dhimin shaqaalaha oo sidooda hore u shaqeeyaan balse hay,adda trocaire ayaa ku adkaysanaysa in qaarkood ay u haynin wax shaqo balse masuuliyiinya ugu saraysa ay gaarsiin doonaan arimaha taagan.