Dagaal saacado kooban socday waxaa gacanta lagu dhigay maamulkii hore ee degmadda garboharay,waxaa dagaalka lagu qabtay gudoomiyihii hore ee garboharay xasan sheikh cilmi iyo horjoogihii ciidamada mucaaradka ee garbohaaray aadan rufle.
Maamulkii hore ee gacanta lagu dhigay ayaa diidanaa inay wareejiyaan garoonka degmadda garbohaaray iyo madaxtooyada oo maamul cusub usoo magacaabeen maamulka jubbaland,waxayna sidoo kale diideen saraakiil kasocotay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo halkaasi u tagay maxkamadaynta askar dembiyo kala duwan ku eedaysnaa oo kusugan garboharay.
Majirto wax qasaare oo ka dhashay dagaalkaan waxaana hada degan xaaladda guud ee magaalada si guudna waxaa gacanta ugu hayo maamulka cusub ee jubbaland.