Magaaladda garbohaaray ee xarunta Gobolka Gedo waxaa xalay ka dhacday arin ugub ku ah Gobolka gedo taasoo ah in wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa dhalinyarada ku dhaqan degmadaas in gabar uu haasaawe ama shukaansi kala dhaxeeyay ay shirqooshay.
Gabadha uu shukaansanayay ayaa guri ku balimisay kadibna waxay u diyaar satay 5 dumar saaxiibadeed ah si xun ayay u garaaceen,iyaga oo jirdilaya ayay kasoo duubeen video kadibna baraha bulshada ayay soo geliyeen.
Dhacdada noocaan ah ayaa ka dhici jirtay deegaano kale oo soomaaliyeed balse waa mid ugub ku ah degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Gedo.
Xogta aanu helayno waxaa ay intaasi kudaraysaa in gabdhaha dhacdadaas gaystay xabsiga loo taxaabay ayna ku xiran yihiin saldhiga booliska ee degmadda Garbohaaray.