Shirka amniga degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo oo toddobaadkiiba mar la qabto ayaa maanta xafiiska maamulka ee degmadaas ka dhacay.
Shirka oo uu shir gudoomiyay gudoomiye kuxigeenka 1 aad ahna kusimaha gudoomiyaha degmadda b/xaawo ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan sida NISA,booliska iyo militariga.
Waxaa looga hadlay shirka arimo badan oo quseeyo amniga degmadda,si wadajir ah looga wada shaqeeyo amniga degmadda iyo deegaanada hoosyimaada.