Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka nabad sugida Kenya ka fuliyeen deegaanka Banisa kaas oo katirsan County-ga mandera ayaa waxaa lagu dilay 4 katirsan maleeshiyada alshabaab waxaana lagu soo furtay hub.
Maleeshiyada kooxda alshabaab ayaa waxaa howlgalka lagaga furtay qoryo kala ah ,1 qori RPG-ah,1 qori PKM ah,3 qori ak47 ah,baskoolado iyo taleefanada gacanta oo 5 xabo ah.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa warbaahinta u sheegay inay goobta isaga baxsadeen 8 katirsan maleeshiyada kooxda kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.