Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam madoobe ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay degmadda afmadoow ee gobolka jubbada hoose.
Axmed madoobe ayaa ku safray wadada dhawaan ay isku fureen ciidamada xoogga iyo kuwa maamulka jubbaland taas oo isku xirto magaalooyinka kismaayo iyo afmadoow.
Qaybaha kala duwan ee bulshada kunool degmadda ayaa axmed madoobe ku soo dhaweeyay magaaladda isagoo mid mid u gacan qaaday dadwaynihii soo dhaweeyay.
Axmed madoobe ayaa u tagay degmadda afmadoow derder gelinta howlgaladda ay wadaan ciidamada jubbaland iyo xooga dalka kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalnmihii lasoo dhaafay.