Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam (madoobe) ayaa booqasho ku tagay deegaanka buulo xaaji ee gobolka jubada hoose oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada kooxda alshabaab.
Axmed madoobe oo meel fagaare ah kula hadlayay dadwaynaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan hay,adaha dowlada ay bilaabi doonaan adeegyada bulshada gaar ahaan caafimaadka,waxbarashada,biyaha iyo adeegana internetka oo dhowaan loo fasaxay deegaanka waxaana uu intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhisi doono.
Waxaa uu balan qaaday in ciidamada xoreeyay buulo xaaji aysan dib uga noqon doonin isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgelin doono maxkamad isla markaana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado maleeshiyaadka shabaab.
Ugu danbayn wuxuu sheegay in mudo dheer kooxda alshabaab ay isku diraysay beelaha deegaanka taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah.