Abaandulaha qaybta 43 aad,taliyaha nabad sugida gobolka gedo iyo gudoomiyaha degmadda dooow ayaa maanta gaaray deegaanka iidaan oo katirsan deegaanada hoos yimaada degmadda beledxaawo ee gobolka gedo juwaasi waxayna kulan xog waraysi ah la yeesheen odoyaasha,waxgaradka iyo maamulka deegaanka.
Masuuliyiintaan waxaa degmadda si heer sare ah ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha degmadda beledxaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi iyo gudoomiye ku xigeenka degmadda ahna madaxa amniga iyo siyaasada c/fitaax nuur mataan.
Kulankaan ayaa looga hadlay dardargelinta amniga deegaanka iidaan,kaalinta maamulka iyo ciidamada ku leeyihiin nabadaynta iyo dib u dhiska bulshada deegaanka,waxbarashada iyo caafimaadka.
Kadib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xeriira dib u heshiisiinta iyo talooyiin ay soo jediyeen waxgaradka deegaanka oo ay la kulmeen abaanduulaha qaybta 43 aad gaashaanle sare cabdirashiid maxamed cismaan (bohol),taliyaha nabad sugida gobolka gedo jeneraal Jamaal xasan sareey iyo gudoomiyaha degmadda doolow maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa isla gartay in la xoojiyo amniga iyo wadashaqaynta ka dhaxayso maamulka,odoyaasha dhaqanka,bulshada iyo ciidanka.