Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya xamse cabdi barre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goordhaw u ambo baxay magaaladda nayroobi ee caasimadda dalka Kenya halkaas uu kula kulmi doono masuuliyiin katirsan dowladda Kenya.
Sida aan xogta ku helayno safar raysalwasaare xamse barre ugu ambo baxay magaaladda Nairobi ayaa salka ku haya qilaafka ka dhashay doorashadda maamulka jubbaland iyo ciidamadda dowladda federaalka gaysay deegaano katirsan jubbaland.
Dowladda Kenya oo saamayn badan ku leh deegaanadda maamulka jubbaland ayaa horay ugu guuldaraysatay in xal ka gaarto qilaafka u dhaxeeyay xukuumadda soomaaliua iyo axmed madoobe waxaa ayna Kenya wafti raadin ahaa u kala dirtay muqdisho iyo Kenya.
Xiisada xooggan ee u dhaxaysa dowladda federaalka soomaaliya iyo maamulka jubbaland ayaa hadda meel xun gaartay waxaana laga cabsi qabaa inay dagaalamaan ciidamadda dowladda gaysay raaskanbooni iyo ciidamadda maamulka jubbaland.