Diyaaradaha dagaalka israa,iil ayaa weerar culus shalay subax ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala dalka iran,waxaa ayna si gaar ah u beegsadeen xarumo militari oo muhiim u ahaa dowladda iran oo ay ku jiraan halka ay yaalaan qalabka difaaca.
Iran ayaana sheegtay in laga hortagay inta badan gantaalihii ciidamada israa,iil u adeegsadeen duqaymaha dhinaca cirka ahaa,waxaa ayna sheegeen in ay jiraan qasaarooyin ka dhashay duqaymaha qaar oo ku dhacay xarumo militari.
War kasoo baxay dowladda iran ayaa lagu shaaciyay in duqaymaha israa,iil dalkeeda ka gaysteen sababeen geerida afar askari oo ciidankooda katirsanaa iyo dhawaca tiro kale,waxaa ayna sidoo kale duqaymaha sababeen burbur soo gaaray goobaha qaar ay gantaalada ku dhaceen.
Duqaymaha ayaa si gaar ah uga dhacay goobo militari oo ay leeyihiin ciidamda ilaalada kacaanka,waxaana inta badan la qariyay in muuqaalo iyo sawirro laga soo qaado goobaha ay sida gaarka ah u duqeeyeen diyaaradaha israa,iil.
Weerarka israa,iil ku qaaday iran ayaa ahaa weerar aargoosi ah oo israa,iil ugu jawaabaysay weerar hore oo iran ku qaaday goobo katirsan israa,iil,waxaana hadda isha lagu hayaa nooca jawaab oo iran ka bixin doonto weerarkii uga yimid israa,iil.