Wararka inaga soo gaaraya degmadda baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in duleedka degmadaas uu ku qarxay qof naftii halige ah kaas oo walxaha qarxa qorshaynayay in uu gudaha u geliyo degmadaas .
Qofka ayaa si gaar ah ugu qarxay tuuladda lagau magacaabo huraynaa oo degmadaas u jirto 8km,kadib qarax waxaa goobtaas tagay xubno katirsan maleeshiyada kooxda alshabaab kuwaas oo qaatay maydka ruuxa naftii haliga ahaa.