Warsaxafeed uu soo saaray afhayeenka ciidamadda,wasiirka gaashaandhiga masar waxaa uu warbixin dheer ka dhagaystay habraaca diyaarinta farsamadda iyo maamulka iyo qalabaynta ciidanka ka qayb qaadanaya howlgalka cusub ee midowga afrika ee bilaabanaya sanadka 2025.
Taliyaha ciidanka xoogga ee masar,sareeye guuto cabdiraxmaan cabdulaahi ayaa sheegay in ciidamadda xoogga dalka masar ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgalka ciidamada loo qorsheeyay in ay mid noqdaan howlgaladda midowga afrija ee xasilinta soomaaliya.
Ciidamaddaan ayaa sameenayay tababarkii ugu dambeeyay ay iskugu diyaarinayaan inay usoo safraan dhinaca soomaaliya.
Masar iyo soomaaliya ayaa bishii agoosto ee lasoo dhaafat kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah kaasi oo ku saabsan in masar ay muqdisho usoo dirto taageero militari.
Howlaha nabad ilaalinta cusub ee soomaaliya ayaa bilaaban doona bilowga sanadka cusub iyagoo badali doona howlgalka KMG ee ATMIS.
Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen masar iyo soomaaliya bishii oktoobar ee lasoo dhaafay ayaa soomaaliya waxay soo dhawaysay yabooha masar ee ah inay ciidamadeeda ka qayb qaataan howlgalka cusub ee AUSSOM.