Madaxwaynaha la doortay ee maraykanka Donald trump ayaa cadeeyay sida ay uga go,antahay Canada inuu ka dhigo gobol katirsan maraykanka,inta uu ku jiray shir jiraa,id uu ku qabtay goobtiisa dalxiiska ee Mar-a-Lago oo katirsan Florida.
Trump oo waxaa la waydiiyay inuu awood militari u adeegsan doono si Canada ay u noqoto gobol katirsan maraykanka si ka duwan hab militari wuxuu sheegay in uu u adeegsan doono Canada ‘awood dhaqaale’ oo la macno ah inuu gelin doono xaalad dhaqaale oo ku qasbaysa inay maraykanka ku biiraan.
Hadalkan waxaa dhaqso uga jawaabay ra,iisulwasaaraha xilka iska casilay ee Canada,Justin Trudeau oo sheegay inaysan jirin fursad ay Canada uga mid noqon doonto maraykanka.
Madaxwayne Donald trump arrinta Canada,wuxuu ku wadaa in uu dhab u bedelo,laakiin tani wali waa ‘waxyaabaha layaabka leh’ eek u eg afka trump.
Dhinaca kale Donald trump wuxuu doonayaa muddo xileedkiisa inuu maraynkanka ku hogaamiyo sidii uu u qabsan lahaa dhul badan,kadib markii uu sheegay inuu doonayo gacanta Mexico inuu u bedelo gacanta maraykanka.
Hadalkan oo ay ka horaysay inuu sheegay inuu doonayo qabsashada kanaalka Panama iyo jasiirada Greenland xitaa hadii laga maarmi waayo inuu adeegsan doono awood ciidan.
Trump hadalkiisa wuxuu yimid xili shalay wiiilka Trump uu ku tagay diyaarada gaarka ee Trump jasiirada Greenland ee hoostagta dalka Denmark halkaa oo ay dadkii soo dhaweeyay xirnaayeen koofiyada uu ololaha doorashada ku galay Trump.
Haddii uu Trump ka dhabeeyo qorshaha qabsashada dhulalka ka baxsan maraykanka,markaa wuxuu dhiirigelinayaa wadamada dunidda inay u deg degaan in ay gaaraan dhulalka istiraatiijiga u ah iyo kuwa lagu muransanyahay oo ku jirto inaan aragno shiinaha oo dedejinaya qorshaha uu ku gaarayo Taiwan,xitaa xaaladan waxaa lagu arki karaa afrika oo Morocco ayaa u degdegi doonta inay la wareegto saxaraha galbeedka.
Haddii uu Trump ka dhabeeyo qorshaha qabsashada dhulalka ka baxsan Mareykanka , markaa wuxuu dhiirrigelinaya waddamada dunidda inay u deg degaan inay gaaraan dhulalka istiraatijiga u ah iyo kuwa lagu muransanyahay oo ku jirto inan aragno Shiinaha oo dedejinaya qorshaha uu ku gaarayo Taiwan. Xataa xaaladan waxaa lagu arki kara Afrika oo Morocco ayaa u degdegi doonta inay la wareegto saxaraha galbeedka.