Ciidamadda maamulka jubbaland ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen taliyihii hogaaminayay ciidamada la geeyay raaskambooni ee Gobolka jubadda hoose.
War qoraal ah oo lagu baahiyay jubbaland tv ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadda daraawiishta jubbaland oo howlgal sameeyay ay soo qabteen xasan ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ciidamadda dowladda ku daabushay aagga raaskambooni ee gobolka jubadda hoose.
Ciidamadda DFS ee ka tagay raaskambooni kadib dagaal culus oo halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada jubbaland ayaa qaarkood ka gudbay xadka Kenya halkaasina iska dhiibay.