Goobo badan oo ganacsi oo ku yaala degmadda dayniile ee gobolka banaadir ayaa la xiray maalmihii lasoo dhaafay,kadib markii ganacsatada goobahaasi leh ay hanjabaadyo iyo dil kala kulmeen maleeshiyada kooxda alshabaab oo soo wacday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dukaamo badan oo ku yaala laamiga degmadda dayniile ayaa la xiray kadib hanjabaadyo alshabaab uga yimid,ganacsatada loo hanjabay ayaa la sheegay in goobahooda ku xireen kaamirada qarsoon ee CCTV.
Sidoo kale gudiyo ay iska xuleen ganacsatada ayaa u tagay laamaha amniga dayniile si ay ula socod siiyaan xaalada lasoo daristay,hase ahaatee ganacsatada ayaa lagu amray in aysan kaamirada ka bixin karin goobahooda hadii ay sidaasi sameeyaana xabsiga la dhigi doono.
Dhanka kale ganacsatada ayaana si joogto ah waxaa usoo wacaya xubno la sheegay inay katirsanyihiin alshabaab kuwaa oo ganacsatada ku amraya in goobahooda ka bixiyaan kaamirooyinka CCTV hadii kale la dili doono ganacsatada ama la qarxin doono goobahooda ganacsi.
Si kastaba walwalka iyo cabsida lasoo daristay ganacsatada ayaa sii korortay kadib markii xubno katirsan alshabaab ayaa maalmo kahor toogteen ganacsato dhowr ah oo goobo ganacsi ku lahaa degmadda dayniile kadib markii ay diideen amarka maleeshiyada alshabaab ee ah in goobahooda ka bixiyaan kaamirooyinka.