Dowladda Kenya ayaa diidan inay ku wareejiso maamulka jubbaland ciidamadda dowladda federaalka ee isku dhiibay
Saraakiisha dowladda iyo ciidankooda ayaa kusugan xuduuda Kenya raaskambooni,ilaa 700 ciidan ah ayaa halkaasi iska dhiibay iyaga iyo hubkooda.
Waxaana socdo waan-waan u dhaxayso labada dowladood ee soomaaliua iyo Kenya oo ciidamada lagu keenayo muqdisho.
Gudoomiyihii hore ee deegaanka badhaadhe muxumed fanax ayaa ciidamo uu wato iyo gaadiidkoosa waxay ka galeen xaduuda Kenya deegaanka howsingoo,warar ayaana sheegay muxumed fanax in uu dhaawac fudud ahaa.
Waana shaqsigii dowladda federaalka ah ay la heshiisay si magaalada raaskambooni ciidamada dowladda u tagaan.
Maamulka jubbaland ayaa gacanta ku haya ciidamo lagu qiyaasay ku dhawaad 100 askari iyo gaadiid dagaal.
Xaalada raaskambooni ayaa degan shalay dagaalkii ahaa kadib,welina isgaarsiinta ayaa hawada ka maqan.
Maamulka jubbaland ayaa diyaarinayo in uu kismaayo usoo qaado ciidamada dowladda ee halkaasi joogo iyo hubkooda.
Shirka golaha wasiirada soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dhacdadii raaskambooni ka dhacday iyadoo lagu sheegay in ciidamada qaranka dib u gurasho sameeyeen.